Qaar kamid ah maamulka degmadda beledxaawo ee Gobolka gedo kuwaas oo uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee degmadaas cabdifitaax nuur mataan ayaa la hadlay warbaahinta qaranka waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsanayn madaxwaynaha dhawaan la doortay ee jubbaland axmed maxamed islaam madoobe isla markaana maamul iyo shacan ay diyaar u yihiin doorashada qof iyo codka ah oo ay dowladdu ka qabanayso dalka.
Gudoomiyaha degmadaas cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaan ila hada weli warbaahinta la hadlin isagoo ku adkaysanayaa mowqifkiisa hore ee ahaa in uu taageersanyahay axmed madoobe.