Waxaa hadda degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo soo gaaray xildhibaan axmed iftiin,xildhibaan maxamed barre iyo xildhibaan maxamed codwayn waxaana soo dhaweeyay gudoomiyaha degmadda beledxaawo cabdicasiis xareed cabdulaahi,ku xigeenkiisa cali aadan wehliye (cali shire) iyo xildhibaan cabdulqaadir jeylaani oo kamid ah xildhibaanadda federaalka ee jubbaland kasoo jeedo oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa degmaddaas.