Wasiirka wasaarada amniga maamulka jubbaland yuusuf xuseen cismaan dhuumaal oo si dhuumasho uga baxay degmadda beled-xaawo ee gobolka gedo ayaa duleedka degmadda doolow ee gobolka gedo waxaa kusoo dhaweeyay gudoomiyaha degmadaas maxamed xuseen cabdi lafeey oo wata boqolaal ciidamo itoobiyaan ah.
Dowladda federaalka soomaaliya ayaa horay u hordhigtay wasiir dhuumaal labbo sharuudood oo kala ah in uu ka tanaasulo fikirka jubbaland iyo in muqdisho loo qaado.
Saraakiisha ciidamada ee kusugnaa degmadda b/xaawo ayay dowladda federaalka howshaan fulinteeda u xilsaartay kuwaas oo maalin ka hor muqdiho ka laabtay.