Sida aan horay u baahinay waxaa hadda degmadda doolow ee gobolka gedo soo gaaray boqolaal ciidan itoobiyaan ah kuwaas oo labaddii maalin ee u danbaysay ku sugnaa degmadda doolow itoobiya oo deris la,ah doolow soomaaliya.
Ciidankan ayaa kasoo kici timi doona degmadda doolow oo ay caawa kusuganyihiin waxaana ay saldhigyo ka samaysan doonaan degmadda b/xaawo iyo deegaanka geedwayne oo hoosyimaada degmadda doolow ee Gobolka Gedo.
Sidoo kale ciidamadaan aya tagi doona degmooyinka ay horay u joogeen ciidanka itoobiya ee qaybta ka ahaa ATMIS sida garbohaareey,baardheere,luuq,buurdhuubo iyo deegaanka Yurkud,waxayna badali doonaan ciidamaadaas oo uu mandate-ka ka dhamaaday.
Jubbaland iyo itoobiya ayaa ku heshiiyay in ciidankan itoobiyaanka ah ay guud ahaan gobolka gedo xoog ku qabsadaan,isla markaana ay badalaan ciidamadii sharciyada kujoogay ee hadda waqtiga uu ka dhamaaday si dowladda federaalka aysan saamayn ugu yeelan gobolka Gedo.