Jubbaland ayaa qadka isgaarsiinta ka jartay magaaladda raskambooni,arinkaan ayaa ka dhigan in ciidanka raaskambooni joogga ee taabacsan dowladda dhexe ee federaalka inaysan haysan isgaarsiin tilifoon iyo adeeg internet oo ay meelna kula xeriiri karin.
Maantay ayay markii ku dhawaad 200 oo askari oo katirsanaa jubbaland ku biireen ciidamada dowladda ee kusugan raaskambooni.
Dowladda soomaaliya ayaana axmed madoobe ugu guulaysatay dhanka ciidanka taas oo ciidamadii uu axmed madoobe sanadaha badan dhisayay si fudud ku hantisay.
Lama oga ilaa iyo inta ay hawada ka maqnaan doonto isgaarsiinta qadka ee laga jaray raaskambooni taas oo maalin kasta lasoo bandhigayay ciidamo hore leh oo ku biiraya kuwa dowladda.
Axmed madoobe oo ka cabsi qaba in ciidamada u haray ayaguna ku biiraan ciidanka dowladda ayaa amray in hawada laga saaro isgaarsiinta raaskambooni.