War hadda inaga soo gaaray degmadda luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in isbitaalka wayn ee degmadaas lagu dhex dilay nin dhaawac ah kaasi oo kamid ahaa maleeshiyaadkii beelaha ku dagalaamayay degmadda luuq.
Ninka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay cabdiladiif una dhashay beesha ashraaf ayaa maanta isagoo dhaawac ah lagu soo qabtay dagaalkii degmadda luuq ee gobolka gedo.
Goobjoogeyaal kusugan degmadaas ayaa warkanews.com u xaqiijiyay in cabdiladiif la rabay in waraysi laga qaado kadibna uu diiday sidaana lagu dilay.
Xiliga uu dilka dhacayay waxaa isbitaalka kusugnaa gudoomiyaha degmadda,taliyaha nabadsugida ee degmadaas iyo masuuliyiin kale duwan.