Maxkamadda degmadda kismaayo ee jubbaland ayaa caawa soo saartay warqad amar soo qabasho oo ah madaxwaynaha soomaaliya xasan shiikh maxamuud.
Maxkamadda ayaa sheegtay in uu madaxwayne xasan shiikh ku eedaysanyahay falal dambiyeedyo ka dhan ah wadajirka soomaaliya.
Amarka maxkmadda maamulka jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli maanta ay maxkamadda Gobolka Banaadir kasoo baxday warqad amar soo qabasho oo ah madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed madoobe oo ay sheegtay maxkamaddu in uu ku eedaysanyahay falal dambiyeedyo ka dhan ah wadajirka soomaaliya.