Waxaa goordhaw tuulada buusaar oo qiyaastii 40km u jirto degmadda ceelwaaq ee Gobolka Gedo gaaray ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka iyo daraawiishta jubbaland kuwaas oo xalay ka baxay degmadda ceelwaakh.
Sida ay kusoo waramayaan goobjoogeyaal kusugan deegaanka buusaar waxaa halkaasi isaga cararay maleeshiyaada kooxda alshabaab oo fariisimo ku lahayd.
Ciidamada isku dhafka ah ee dowladda federaalka iyo daraawiishta jubbaland ayaa si buuxdo ula wareegay tuuladda buusaar.