Maxkamadda gobolka banaadir ayaa soo saartay amar ama waaran lagu soo soo xirayo madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam (madoobe) oo dhawaan dib loogu doortay doorasho ka dhacday kismaayo.
Warqadda kasoo baxday maxkamadda gobolka banaadir ayaa lagu faray taliyaha ciidanka booliiska soomaaliya Jeneraal asad diyaano in uu soo xiro axmed madoobe lana horkeeno maxkamadda.
Arrintaan ataa kusoo aadaysa xili dowladda soomaaliya ciidamo gaysay raaskanbooni lana wareegtay qaybo kamid ah gobolka gedo.