War hada inaga soo gaaraya degmadda beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw degmadaas lagu dhaawacay wiil dhalinyaro shacab ah oo uu dhaawac u gaystay askari katirsan ciidanka boolsika ee ka howlgala degmadda b/xaawo.
Wiilka la dhaawacay ayaa kamid ahaa dhalinyarada magaalaadaas ee ku shaqaysato mooto bajaajta.
Goobjoogeyaal ku sugan degmaddda beledxaawo oo aanu lahadalnay ayaa inoo xaqiijiyay askariga falkan gaystay in uu goobta isaga baxsaday isla markaana ilaa hada aan lasoo qabanin.