Waxaa hadda gacanta lagu dhigay askari katirsan ciidanka daraawiisnta jubbaland kaas oo dhawaan wiil shacab ah aano qabiil ugu dilay degmadda ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Askarigaan oo maalmahaan ku dhuumaalaysanayay nawaaxiga degmadda ceelwaaq ayay suurto gashay in laqabto kadib markii ay iska kaashadeen beeshiisa iyo laamaha amniga ee degmadda ceelwaaq.
Sida ay dad goob joogeyaal ah inoo sheegeen askariga ayaa dhaawacmay kadib markii uu diiday inuu qoriga wareejiyo oo uu dagaalamay.
Dhanka kale qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka eek u sugan degmadda ceelwaaq ee gobolka gedo ayaa maanta gadood sameeyay kadib dhacdadii shalay ee lagu dilay askar katirsanaa ciidanka dowladda federaalka soomaaliya,iyagoo qaar kalena lagu dhaawacay,waxayna ka amar diideen taliyihii urur ee xukumayay.
Xaalada degmadda ceelwaaq ayaa hadda ah mid kacsan waxaana jirta dedaalo badan oo lagu doonayo in lagu xaliyo gadoodka ay sameeyeen ciidanka,iyadoo uu soo farageliyay taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya jeneraal odawaa yuusuf raage.