Ciidamada dowladda keenya ayaa saaka xiray xaduuda u dhaxeeya magaalooyinka beledxaawo ee Gobolka gedo iyo mandera gobolka waqooyi bari keenya.
Ciidamadda ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo celiyay ardayda wax kasoo baran jirtay dhinaca magaaladda mandheeraa iyo dadka kale ee iyagana danaha ka lahaa labadda magaalo ayaa loo sheegay in uu xiranyahay xaduudka.
Ilaa iyo hada macado sababta loo xiray isu socodka labadda magaalo,dhawr maalin ka hore ayayna ahayd markii qarax uu ka dhacay xaduuda kaas oo ay ku dhinteen askar keenyaan ah.