Madaxwaynaha dalka Kenya William ruto ayaa kala diray golihiisa wasiirada,marka laga reebo madaxwayne ku xigeenka rigathi gachagua iyo musalia mudavadi oo ahaa madixii wasiiradda.
Wuxuu sheegay in go,aankaan uu qaatay kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxwaynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024-ka
Waxaa uu ku eedeeyay howlqabad la,aan kadib banaanbaxyadii toddobaadyada socday ee halista geliyay xasiloonida Kenya.
Waxaa kale oo uu shaqadda ka saaray xeer ilaaliyaha guud.
“Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhagaystay hadalka shacabka Kenya,qiimayn buuxdana ku sameeyay waxqabadkii golahayga wasiirada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaala,ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go,aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhamaan golaha wasiirada iyo xeer ilaaliyaha guud,”ayuu yiri ruto.
Qasaare xooggan ayaa ka dhashay banaanbxyo maalmo ka socday dalka Kenya kuwaas oo looga soo horjeeday sharciga maaliyadda.