Ciidamadda hay,adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee NISA ayaa goordhow xiray xarunta wayn ee shirkada hormuud ee suuqa bakaaraha waxaana gebi ahaanba albaabada loo laabay xaruntaas oo ah mida ugu wayn ee shirkada hormuud,waxaana sidoo kale ciidanka NISA xireen xarunta wayn salaam bank ee suuqa bakaaraha.
Talaabadan ayaa imaanaysa kadib saacado un markii uu maamulka shirkada hormuud uu soo saaray qoraal uu ku eedaynaayo NISA,inkasta oo nisa iska fogaysay in ay xad gudub kula kacday hormuud.
Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale ciidamada hay,ada NISA ay xireen shirkada hormuud iyo salaam bank ee tareebiyaano taasi oo ay ka samaysay fatashaad.
NISA ayaa dhankeeda sheegtay in shirkada ay ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaqaaqa koontooyin bangi iyo adeega EVC plus kadib markii hormuud ka codsatay dhibaatada ay kala kulanto maleeshiyada shabaab.
“Halkii shirkada laga sugayay inay hay,adda ku gacansiiso gudashada waajibaadkeeda qaran waxay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray waxayna fakisay eedaysanayaashii katirsanaa howlwadeenadeeda” ayaa lagu yiri qoraalka nisa.
Waxay sidoo kale hay,adu sheegtay in baaris ay samaysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha hormuud ay wadashaqayn iyo xeriir la leeyihiin maleeshiyada al-shabaab isla markaana ay soo xirtay qaar kamid ah howlwadeenada shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay,adda.
“Shirkadu waxay si toos ah ugu tumatay shacri Lr.003,qodobka 48-aad ee sharciga hay,ada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka iyo sharci Lr.007,qodobka 11-aad ee sharciga la dagaalanka argagixisada.