Kumanaan askari oo ciidamo itoobiyaan ah ayaa kasoo gudbaya degmada doolow itoobiya iyaga oo soo galaya degmada doolow ee gobolka gedo.
Ciidamadaan ooh or dhacooda saaka bilowday ayaa waxay wataan gaadiid dagaal,gaadiidka qaada xamuulka iyo hub culus waxayna gaari doonaan gobolada baay,bakool,hiiraan iyo galgaduud.
Xogta ayaa intaa kudaraysa in lagu xoojin doono ciidamo cusub magaalada doolow ee gobolka gedo oo ay hadda joogaan kumanaan askari.
Degmadda doolow ee Gobolka gedo ayaa laga dareemay soo gelitaanka ciidamada itoobiyaanka kuwaas oo ay dadka deegaanka arkayeen daabulida kumanaanka askari itoobiya.
Saraakiisha hor kacaysay ciidamadaan ayaa kulan la qaatay odoyaasha dhaqanka deegaanka iyo gudoomiyaha degmadda doolow kuwaas oo ka warbixiyay ujeedka soo gelitaankooda.
“Waxaan gudaha soomaaliya usoo galnay inaan amniga in kala shaqayno,gudoomiyaha doolow wuxuu noo yahay saaxiibkeena koonfurta soomaaliya waxaana ku ilaashanaynaa sida saaxiibkeena koobaad iyo sidaan u ilaalino madaxwaynaha koonfur galbeed oo akle,waxaan rabnaa inaad nagala shaqaysaan dagaalka alshabaab iyo amniga xaduudaha” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada itoobiyaanka ee kusugan degmadda doolow ee gobolka gedo.
Wasiirka gaashaandhiga dowladda soomaaliya ayaa saaka mar soo dhigay bartiisa Facebook-ga qoraal uu ka hadlay soo gelitaanka ciidamadaan isagoo sheegay in itoobiya aysan qaadan karin taako dhul soomaaliya ah oo riyo maalmeed tahay
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in fariimo marin habaabin ah ay qorayaan wasiiro katirsan itoobiya.