War hada inaga soo gaaray degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa lagu dilay degmadaas haweenay kamid ahayd dadka deegaanka.
Haweenaydaan oo lagu magacaabo sacdiyo aadan dhicis oo deganayd xaafada dhabad ee degmadda b/xaawo ayaa waxaa dilay walaalkeed.
Dilka haweenayda ayaa loo adeegsaday tooreey waxaana maydkeeda lageeyay isbitaalka guud ee degmadda ee khaliil hospital.
Gacan ku dhiiglaha falkaan gaystay ayaa isaga baxsaday goobta waxaana hada ku raad joogo laamaha amaanka ee degmadda sidii loo soo qaban laha sharcigana loo horkeeni lahaa.
Sawirka marxuumada