Degmadda doolow ee gobolka gedo waxaa sun ku cabtay gabar kamid ah dadka deegaanka.
Qaar kamid ah ehelada gabadhaan ayaa warkanews.com u sheegay sababta ku kaliftay in ay sun cabto loo aanaynayo kadib markii caro xooggan ay ka qaaday wiilal iyada la dhashay oo ay is dagaaleen.
Xaaladda ay kusugan tahay gabadhaas ayaa hadda ah mid aad usoo hagaagayso waxaana la dhigay mid kamid isbitaalada kuyaala degmadda doolow oo xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayo.