Askari katirsan ciidanka dowladda gaar ahaan militariga ayaa goor dhaw degmadda garbohaaray ee xarunta Gobolka Gedo ku dhaawacay wiil dhalinyaro kana mid ahaa shacabka dadka deegaanka.
Wiilka dhalinyarada oo u shaqaynaayay hay,adda SAADO ayaa dhowr xabadood uga dhaceen qaybaha sare ee jirkiisa,dhaawaciisa ayaana ah mid aad u daran,waxaana loo qaaday magaaladda muqdisho.
Laamaha amaanka ee degmadda garbohaaray ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan askariga dhawaaca gaystay hadana waxaa uu ku xiran yahay saldhiga booliska ee degmadaas.