Author: Omar

Maamulka gobolka Gedo ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray dagaalkii shalay subax ka dhacay degmadda garbohaaray ee xarunta gobolk gedo. Waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in la soo afjaray caqabadihii iyo dhibaatadii dhawrkii bil ee lasoo dhaafay kajirtay degmadda garbohaaray  ee ah maamulkii hore ee fawdada ka waday degmadaas. Sidoo kale maamulka gobolka Gedo ayaa ka codsaday hay,adaha duulista hawada ee federaalka iyo jubbaland in ay ka shaqo bilaaban garoonka diyaaradaha ee degmadda Garboharay oo in muddo u xirnaa maamulkii hore ee degmadaas qal-qalka iyo fawdada ka waday.

Read More

Xafiiska qaramada midoobay ee soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar maleeshiyada kooxda al shabaab ay u adeegsatay hoobiyaal qasaare gaystay oo lagu qaaday xerada xalane ee magaaladda muqdisho. Inta la xaqiijiyay weeraka hoobiyaasha waxaa ku dhintay mid kamid ah ilaalada qaramada midoobay kaas oo ku sugnaa dhismaha xafiiska qaramada midoobay oo ku yaala agagaarka garoonka aadan cadde,sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska qaramada midoobay ee soomaaliya. Maleeshiyada al shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaan hoobiyaasha loo adeegsaday,mana ahan markii ugu horaysay oo ay kooxdu weerar noocaan oo kale ah ku qaado xerada xalane ee magaalada Muqdisho.

Read More

Waxaa xalay fiidkii degmadda baardheere ee Gobolka Gedo lagu dilay haweenay kamid ahayd dadka deegaanka waxaana sidoo kale la dhaawacay nin la joogay haweenayda dhimatay. Dilka ayaa ka dhacay xaafada kurmaan ee degmadaas waxaana gaystay askari katirsan ciidamada booliska ee ka hawlgala degmadda baardheere. Laamaha amaanka ee degmadda ayaa hawlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabteen askarigii dilka gaystay hadana waaxaa uu ku xiranyahay saldhiga booliska ee degmadaasi.

Read More

Dagaalyahano katirsan maleeshiyada kooxda al shabaab ayaa weerar ka gaystay deegaan layiraahdo fijaaro oo hoostaga degmadda ceel-waaq ee ismaamulka Mandera. Kooxda ayaa qaraxyo kuxirtay oo burburisay anteenada (taawarka) shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom,waxaana sidoo kale ay qarax ku xireen oo ay burburiyeen gaari ay lahaayeen dowladda hoose ee degmadda ceelwaaq.

Read More

Dagaal saacado kooban socday waxaa gacanta lagu dhigay maamulkii hore ee degmadda garboharay,waxaa dagaalka lagu qabtay gudoomiyihii hore ee garboharay xasan sheikh cilmi iyo horjoogihii ciidamada mucaaradka ee garbohaaray aadan rufle. Maamulkii hore ee gacanta lagu dhigay ayaa diidanaa inay wareejiyaan garoonka degmadda garbohaaray iyo madaxtooyada oo maamul cusub usoo magacaabeen maamulka jubbaland,waxayna sidoo kale diideen saraakiil kasocotay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo halkaasi u tagay maxkamadaynta askar dembiyo kala duwan ku eedaysnaa oo kusugan garboharay. Majirto wax qasaare oo ka dhashay dagaalkaan waxaana hada degan xaaladda guud ee magaalada si guudna waxaa gacanta ugu hayo maamulka cusub ee jubbaland.

Read More

Wararka naga soo gaarayo degmadda garbohaaray ee xarunta gobolka gedo ayaa sheegaya in saaka degmadaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeyo gudoomiyihii hore ee degmadda xasan garbohaaray iyo gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay degmadaas iimaan cadoow. Dagaalka ayaa waxaa ka qayb qaadanayo ciidamada xooga ee kusugan degmadda kuwaas oo ku hayb labada dhinac ee dagaalamaya,faah-faahinta dagaalkan kala soco www,warkanews.com

Read More

Diyaarad nooceedu yahay helikobtar oo shalay ugacan gashay maleeshiyadda al shabaab kuna duulaysay magaca UNSOS ayaa wasiirka amniga maamulka Galmudug oo la hadlay BBC-da u sheegay in cilad ay qabsatay ayna deg-deg u fariisatay deegaan hoosyimaado xiin-dheere oo katirsan gobolka gal-gaduud. “Meesha ay ku degtay waa meel baadiye ah,cilad ayaana ku kaliftay inay halkaa ku degto” ayuu yiri masuulkaas. “Dadkii reer miyiga ahaa ee deegaankaas ayaa kusoo xoomay diyaarada oo ku degtay meel u dhaxayso xiindheere iyo xagareey,kadibna dadkii deegaanka oo ku dhegan dadkii diyaarada saarnaa ayaa waxaa u yimid maleeshiyada al-shabaab oo sidaas kusoo fara geliyay,ayuu yiri. Wuxuu xaqiijiyay…

Read More

Waxaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo lagu qabtay xaflad dhiirigelin iyo abaal marin ah ardayda iyo dusgiyada kaalmaha hore ka galay imitixaanaadka dalka. Xaflada waxaa kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow aadan bare cali,madaxa arimaha bulshadda doolow c/fitaax ismaaciil xuseen iyo guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Gedo maxamed cabdi. Sidoo kale xaflada waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshadda degmooyinka Gobolka Gedo,culamada doolow,maamulka jaamacada Gedo,gudoomiyaha ururka dhalinyarada.

Read More