Author: Omar

Wasiirka wasaarada amniga maamulka jubbaland yuusuf xuseen cismaan dhuumaal oo si dhuumasho uga baxay degmadda beled-xaawo ee gobolka gedo ayaa duleedka degmadda doolow ee gobolka gedo waxaa kusoo dhaweeyay gudoomiyaha degmadaas maxamed xuseen cabdi lafeey oo wata boqolaal ciidamo itoobiyaan ah. Dowladda federaalka soomaaliya ayaa horay u hordhigtay wasiir dhuumaal labbo sharuudood oo kala ah in uu ka tanaasulo fikirka jubbaland iyo in muqdisho loo qaado. Saraakiisha ciidamada ee kusugnaa degmadda b/xaawo ayay dowladda federaalka howshaan fulinteeda u xilsaartay kuwaas oo maalin ka hor muqdiho ka laabtay.

Read More

Waxaa hadda la badalay ciidamadii sugi jiray amniga garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee Gobolka Gedo kuwaas oo ahaa ciidan itoobiyaan ah waxaana lagu badalay ciidan cusub oo kuwaas saacado ka hore kayimid itoobiya. Si buuxda waxaa uu haatan garoonka diyaaradaha degmadda doolow gacanta uu gu jiraa ciidan itoobiyaan ah,mana jiraan ciidamo soomaaliyeed oo ka gacan siinayo amniga garoonka degmadaas.

Read More

Sida aan horay u baahinay waxaa hadda degmadda doolow ee gobolka gedo soo gaaray boqolaal ciidan itoobiyaan ah kuwaas oo labaddii maalin ee u danbaysay ku sugnaa degmadda doolow itoobiya oo deris la,ah doolow soomaaliya. Ciidankan ayaa kasoo kici timi doona degmadda doolow oo ay caawa kusuganyihiin waxaana ay saldhigyo ka samaysan doonaan degmadda b/xaawo iyo deegaanka geedwayne oo hoosyimaada degmadda doolow ee Gobolka Gedo. Sidoo kale ciidamadaan aya tagi doona degmooyinka ay horay u joogeen ciidanka itoobiya ee qaybta ka ahaa ATMIS  sida garbohaareey,baardheere,luuq,buurdhuubo iyo deegaanka Yurkud,waxayna badali doonaan ciidamaadaas oo uu mandate-ka ka dhamaaday. Jubbaland iyo itoobiya ayaa…

Read More

Dowladda dhexe ee federaalka soomaaliya ayaa joojisay duulimaadkii nayroobi ka bixi jiray ee kismaayo toos u tagi jiray. Dowladdu ilaa hadda warqad rasmi ah kama aysan soo amuurtan,balse amar afka ah ayaa loogu sheegay shirkadaha kasoo aada xaga Nairobi inaysan u duuli karin magaaladda kismaayo. Xayiraadan kuma jirto safarada diyaaradaha ee muqdisho iyo kismaayo,arrintan ayaana sii fogaynaysa qilaafka jubbaland iyo dowladda dhexe.

Read More

Somalia’s government on Wednesday reinforced its military presence in the lower juba region by airlifting additional troops and weapons ro raskamboni,intensifying its strategic buildup in preparation for a potential clash with jubbaland forces,caasimada online news website reported. This move follows a federal airlift just a week earlier,in wich hundred of troops were deployed to the town on somalia’s southern border with Kenya, a clear signal of pressure on jubbaland leader ahmed madobe,to comply with the government’s demands after his controversial re-election for a third time,deemed unconstitutional and treasonous by the federal authorities. Dozens of jubbaland forces have recently capitulated to…

Read More

Wafti ka kooban wasiiro katirsan maamulka jubbaland ayaa goordhaw gaaray deegaanka buulo xaaji ee gobolka jubadda hoose halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadda maamulka jubbaland. Ujeedka socdaalka waftiga wasiirada ah ayaa waxaa yahay u kuurgelida iyo dhiirogelinta ciidamadda jiida hore jooga ee dagaalka kula jira maleeshiyada kooxda Alshabaab. Wasiirka wasaaradda waxbarashadda hidaha iyo tacliinta sare ee maamulka jubbaland seeraar maax cabdi oo ay wehliyaan wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa jubbaland iyo kusimaha ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka jubbaland ayaa saraakiisha kula dardaarmay ilaalinta amniga bulashadda.

Read More

Taliyaha guutadda 10 aad qaybta 43 aad ee ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Gedo gaashaanle dhexe aadan siyaad cabdi,taliyaha nabad sugida Gobolka Gedo jeneraal Jamaal xasan sareey iyo taliyaha booliska ee Gobolka Gedo gaashaanle sare xuseen xaashi giif oo si wadajir ah amar dowladeed loo siiyay ayaa hadda kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee Gobolka Gedo waxaana horay ugu yeertay dowladda federaalka ah ee soomaaliya. Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in saraakiishaan lasoo faray in gobolka Gedo aysan ka shaqaynin maamulka jubbaland. Arrintaan ayaa imaanayso kadib markii shalay subax uu yimid degmadda beledxaawo wasiirka amniga ee maamulka jubbaland…

Read More

Wasiirka wasaaradda amniga maamulka jubbaland  yuusuf xuseen cismaan dhuumaal oo shalay subax soo gaaray degmadda b/xaawo ayaa maanta kulan la yeeshay golaha guurtida ee degmaddaas. Kulanka oo ay soo abaabuleen maamulka degmadda b/xaawo ayaa odoyaasha degmadaas looga hadalsiiyay inay taageeraan maamulka jubbaland isla markaana ay kasoo horjeestaan dowladda federaalka ah ee soomaaliya.

Read More

Madaxwayne kuxigeenka 2 aad ee maamulka jubbaland cabdiqaadir xaaji maxamuud lugadheere oo ay wehliyaan xubno isugu jiro wasiiro,xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray deegaanadda waqooyi ee Gobolka jubadda hoose. Madaxwaynaha jubbaland ayaa dhawaan amray masuuliyiinta kala duwan ee maamulkaas inay aadaan deegaanadda jubbaland.

Read More