Author: admin

Safiirka Saafaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, Danjire Axmed Cali Daahir ayaa hambalyo iyo bogaadin u direy Ummadda Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (East African Community)  oo ah dadaal mira dhalay oo muddo socday. Sidoo kale Safiirka ayaa bogaadiyay guusha weyn ee laga gaaray qaadista cuno qabateynta hubka oo Soomaaliya saarnayd muddo ka badan 30-sano. Safiirka ayaa guulahan is xig xiga ee Dowladdu ay gaartay uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo door weyn ka qaatay mira dhalka guushaan.…

Read More

Eleven climbers have been killed and 12 more are missing after the eruption of Indonesia’s Mount Marapi, local officials have said. Seventy-five people were in the area when the volcano in West Sumatra erupted on Sunday, according to authorities, among whom 26 were not evacuated. “There are 26 people who have not been evacuated, we have found 14 of them, three were found alive and 11 were found dead,” said Abdul Malik, head of the Padang Search and Rescue Agency. Video footage of Sunday’s eruption showed a huge cloud of volcanic ash spread across the sky and cars and roads…

Read More

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan laba geesood ah la qaatay dhiggiisa Sacuudi Carabiya Amiir Cabdicasis Aala Sacuud. Kulanka oo ka dhacay Caasimadda Sucuudiga ee Riyaadh ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga labada wasaaradood ee ku aaddan howlaha muhiimka ah, tayeynta amniga, la dagaallanka argagixisada, xasilinta goobaha laga xoreeyay Khawaarijta, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale. Wasiir Cabdicasis Aala Sacuud ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudiga ay dadaal ugu…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanada Mooda-moode & Daynuunaay ee gobolka Baay, waxaana howlgalka lagu dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta una qaablisanaa baada shacabka gobalada Baay, Bakool iyo Gedo. Howlgalka lagu dilay horjoogaha ayaa waxaa fuliyay Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhageey). Taliye Axmed Dhageey oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in horjoogaha lagu dilay howlgalka uu yahay “Xuseen Caddoow Jilib-gaab” oo maleeshiyada argagixisada ah u qaabilsanaa baada laga qaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolada Baay, Bakool, iyo Gedo. Ciidamada…

Read More

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. George Conway, oo sidoo kale ah Uqeybsamaha isku-duwidda Howlaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo kala ah taageerada hannaanka deyn cafinta kadib iyo gurmadka arrimaha fatahaadaha oo sanadkaan saameyn xoogan ku yeeshada bulshada Gobolada qaar ee Soomaaliya. Xafiiska Wararka ee Muqdisho warkanews@gmail.com

Read More

Xukuumadda Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay sare u qaaday heerka digniinta socdaalka muwaadiniinta, iyadoo soo saartay digniino la xariira safarada dadkeeda ay ku tagayaan qaar ka mid ah Caalamka. Ka dib dagaalkii ay Isra’iil ku qaadday marinka Qaza, waxaa ka soo baxayay digniino la xariira Safarka muwadiniinta u dhashay Isra’iil, ay ku tagayaan qaar kamid ah dalalka Caalamka. Sida uu qoray wargeyska Jerusalem Post, golaha ammaanka Israa’iil ayaa muwadiniinta dalkooda ugu digay inay u safraan 80 dal, ka dib markii ay heleen hanjabaado kaga imaanaya Iiraan iyo Xamaas. Bayaan ay soo saartay Israa’iil, ayay ugu digtay muwaadiniinteeda inay u safraan…

Read More

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamuud C/raxmaan (Beenebeene) ayaa  Magaalada Muqdisho kulan kula qaaday  Maamulaha Bangiga Addduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson. Waxayna ka wada hadleen akhbaarta farxada leh ee ku saabsan barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya oo mardhow la filayo in dalka guud ahaan laga cafiyo. Kulanka waxaan sidoo kale  looga hadlay  xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga Adduunka ee dhinacyada qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka ka wado gudaha Dalkeena. Xafiiska Wararka ee Muqdisho warkanews@gmail.com

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thaani, ayaa Isniintii Shalay kawada hadlay xasuuqa Isra’iil ay ku hayso Shacabka Falastiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Qaza. Labada hoggaamiye ayaa si qota dheer ugu wadahadlay xaaladihii ugu dambeeyay xasuuqa Israa’iil ay ka waddo magaalada Qaza, dadaalladii lagu doonayay xabbad-joojinta iyo tillaabooyinka la qaadi karo si gargaarka bini’aadannimo loo gaarsiiyo Shacabka Qaza, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga. Intii uu socday kulankan, Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Isra’iil lagula xisaabtamo dembiyada dagaal ee ay ka geysatay Falastiin, isagoo…

Read More