Author: admin

Kusimaha madaxwaynaha ahna madaxwayne ku xigeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa maanta shir gudoomiyay shirka bilaha ah ee maamulkaas kaasi bishiiba mar la qabto. Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay adkaynta amniga magaalooyinka jubbaland ,howlgalada ay ciidamadu ka samaynayaan guud ahaan jubbaland iyo u diyaar garoowga wejiga 2 aad ee dagaalka dalka looga ciribtirayo maleeshiyada kooxda al shabaab.

Read More

Shir maanta ka dhacay degmadda doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha degmadda maxamed xuseen cabdi ( lafeey) waxaana looga hadlay amniga xaduudaha soomaaliya iyo itoobiya. Waxaa kasoo qayb galay shirkaan saraakiisha itoobiya iyo qabiilada degan xaduudka,gudoomiyaha doolow iyo saraakiisha itoobiya ayaa odoyaasha kala hadlay sidii xal waaro looga gaari lahaa shaqaaqo ka dhacday deegaanka maadaama goobta ay tahay xaduud labadda dal muhiimad gaar ah u leh. Shirkaan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa la isku fahmay in si wadajir ah looga qayb qaato cid kasto oo fal amni daro ah deegaanka ka wado iyo xaduuda taasi oo…

Read More

Diyaarad siday ku dhawaad 300 oo qof oo  dad rakaab tahriibayaal ah kana timid wadanka hindiya ayay ciidamada amaanka faransiiska ku xanibeen garoon diyaaradeed oo kuyaalo dalkaas. Diyaaradaan oo kusii jeeday wadanka nikaragua ayaa lagu qabtay magaalada vatry ee waqooyi bari faransiiska xili diyaarada doonaysay in garoonkaasi ka qaadato shidaal. War kasoo baxay dowladda faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in rakaabka tahriibayaasha ah shalay dib loogu celiyay magaalada mumbaay ee dalka hidiya waxayna faransiisku sheegeen inay kasoo hor jeedaan tahriibka sharci darada ah.

Read More

Burcad badeeda soomaalida ayaa sii kordhiyay dhaqdhaqaaqyada ay dhawaan ka bilaabeen xeebaha soomaaliya iyo biyaha gacanka cadmeed. Kooxda ayaa shalay waxay qaadeen weerarkii 4 aad kaasi oo ay ku beegsadeen dooni kaluumaysi oo laga leeyahay wadanka yemen. Sida ay xaqiijiyeen hay,adaha amaanka ee dalkaas waxaa la waayay halka ay jaan iyo cirib dhigtay doontaan oo markii ugu danbaysay lagu arkayay meel u dhow biyaha soomaaliya. Dhanka kale ururka ganacsiga badaha ee UK loona soo gaabiyo (UKMTO) oo ka hadlay dhacdadaan ayaa wuxuu sheegay inay rumaysanyihiin in la afduubtay doontaan kaluumaysi oo ka timid yemen. Doonta oo lagu magacaabo EME RAT-2…

Read More

Ciidamada macaawiislayda ee ka hawlgalo gobolka shabeelaha dhexe ayaa maanta waxaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanka cad-cadeey kusoo qabteen xubno katirsan maleeshiyada kooxda alshabaab. Taliyaha ciidanka macaawiislayda ee deegaankaasi cilmi cabdule cali oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahiyay howlgalkaasi waxaana uu xaqiijiyay in ay noolasha ku qabteen 3 kamid ah xubnaha kooxda al shabaab kuwaas oo kusugnaa deegaanka hawlgalka laga fuliyay. Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in shaqsiyaadka ay soo qabteen ay qirteen inay yihiin Alshabaab tababarna  kusoo qaateen xeryo ay kooxdu leedahay si ay uga barbar dagaalamaan. Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wato ayaa wuxuu shaaca…

Read More

Yaxye sinwaar oo ururka xamaas ugu magacaaban gudoomiyaha marinka qaza ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka hadlay duulaanka israa,iil. Sinwaar ayaa sheegay in koonfurta qaza uu ka socdo dagaal qaraar oo u dhaxeeyo ciidamada Israel iyo xoogaga wax iska caabinta ee falastiiniyiinta. “Ciidamada cadawga waxay wajahayaan dagaal ba,an oo aan horey loo arag waana dagaal lagu dhiig bixinayo ciidamada soo duulay.” Ayuu yiri sinwaar oo maalinkii isniinta jeediyay qudbadiisa ugu horaysay taniyo weerarkii xamaas 7-dii oktoobar ka gaysatay dhulka ay israaiil maamusho iyo falcelinta adage ee ka dhalatay ee tel aviv ka wado magaalada go,doonsan. Waxaa uu sidoo kale…

Read More

Kulankaan oo saaka ay soo qaban qaabisay hay,adda Coopi loogana hadlayay caqabadaha dumarka ka haysto ganacsiga ayaa dood wadaag arintaasi la xeriirta waxaa lagu qabtay degmadda doolow ee Gobolka Gedo. Kulankani oo ay soo qaban qaabisay hay,adda Coopi ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno kamid ah maamulka degmadda doolow,haweenka toddobada tuulo ee u dhaw degmadda,qaar kamid ah odoyaasha tuulooyinka,ururka hooyooyinka degmadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Read More

Waxaa saaka wasaarada arimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda jubbaland ku qabatay degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo tababar ku saabsanaa xalinta khilaafaadka. Waxaa tababarkani ka faa,iidaystay in ka badan 50 qof kuwaasi oo isugu jiray dhalinyaro,booliska iyo qaybaha kale ee bulshadda waxaana diirada lagu saaray barashada habka toolmoon ee xalinta qilaafka.

Read More

Wasaarada caafimaadka ee qaza ee ay xamaas maamusho ayaa waxay sheegtay in duqayn diyaaradaha Is-raa,iil ka gaysteen xerada qaxootiga ee al maqazi taas oo kaalo bartamaha marinka qasa in ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof. Waxaa afhayeen u hadlay wasaarada caafimaadka xamaas uu sheegay in falkaan lagu dilay todobaatanka qofood guud ahaan tirada dhimashada ee qaza. Dhanka kale saraakiil katirsan militariga israa,iil ayaa sheegay in ay eegayaan wararka kusaabsan weerarkan dadka badan ku dhinteen. Dad tiradoodu tahay 10 kuwaas oo ku dhaawacmay duqaynta ayaa loola cararay cusbitaal ku yaalo xerada maqazi oo lagu magacaabo abbo al aqsa.

Read More

Dowladda Soomaaliya  ayaa soo bandhigtay axdiga Qaran ee dhimista wasaqowga hawada (NDC). Waa qorshaheedii ugu horeeyay ee looga jawaabayo dhibaatooyinka isbedelka cimiladda. Tallaabadan muhiimka ah ee horay loo qaaday ayaa timid ka dib markii si guul leh loo cusbooneysiiyay NDC-ga Soomaaliya iyo horumarinta qorshe hawleedkeedii ugu horreeyay ee hirgelinta NDC ay u dhammaystiran yihiin barnaamij mashruuc oo la maalgelin karo. Xafladda daahfurka rasmiga ah ayaa lagu qabtay magaalada shirweynaha COP28 oo ka soda maalinkii 5 magaalada Dubai, iyadoo uu hormuud ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa daah-furay qorshe wax ku ool ah oo ku aaddan yareynta iyo la…

Read More