- AKHRISO:Kenya oo sheegtay in ciidamadii DFS ee isu dhiibay ay kusoo wareejinayso Dowladda soomaaliya
- AQRISO:jubbaland oo ka warbixisay dagaalkii raaskambooni
- AKHRISO+SAWIRO:Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland oo kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidamadda Itoobiya
- AQRISO:Gudoomiye C/laahi shimbir oo ka hadlay arrimo xasaasi ah
- AKHRISO:Xubno Alshabaab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka degmadda Beled-xaawo
- DEG-DEG:Weerar bam gacmeed loo adeegsaday oo ka dhacay degmadda Luuq
- AQRISO+SAWIRO:Jubbaland oo iska difaacday eedaymihii ay u jeedisay dowladda federaalka
- AQRISO:Igad oo soo dhawaysay Heshiiskii Ankara ee Ethiopia iyo soomaaliya
Author: admin
Maxbuus u dhashay wadanka israa,iil oo lagu haystay magaaladda qaza ayaa dhintay sida uu sheegay ururka la haystayaasha iyo dadka la la,yahay ee israa,iil. Tamid adir oo 38 jir ahaa ayaa faah-faahin dheeraad ah laga bixinin sababta uu u geeriyooday balse wararka qaar soo baxaya ayaa sheegaya in uu ku dhintay duqaymaha israa,iil. Ka hor inta aan la shaacini geerida tamir,jimcihii israa,iil ayaa rumaysnayd in boqol soddon iyo labbo la haystayaal ah laga soo bilaabo todobadii oktoobar lagu haysto gaza kuwaas oo boqol iyo siddeed kamid ah loo malaynaayo in ay nool yihiin.
AKHRISO:- Maxkamad ku taalo maraykanka oo dhagaysanayso Dacwadda Trump loogu diiday doorashada 2024
Maxkamadda sare ee wadanka maraykanka ayaa waxay sheegtay in ay dhagaysan doonto dacwad loo haysto madaxwaynihii afartan iyo shanaad ee dalkaasi Donald Trump kaasi oo qorshaynayo in uu ka qayb galo doorashadda wadankaasi ka dhacaysa sanadkaan labbo kun iyo labaatan iyo afar. Wuxuu trump uu wajahayaa eedaymo culus oo kala duwam taasi oo ah in uu ka gudbay xayndaabkii sharciga waxaana dacwad oogeyaal kasoo jeeda gobolo kala duwan oo maraykanka ah ka reebeen in uu ka qayb galo doorashadda dalkaas. Gobolka Colorado ayaa ah gobolka keliya ee sida gaarka ah ugu dhegan madaxwaynihii 45 aad ee dalkaas ee Donald trump…
Markab lagu magacaabo MV LILA NORFOLK oo ah kuwa qaada xamuulka ayaa laga afduubtay meel u dhow xeebaha soomaaliya. Markabkan ayaa waxaa saaran shan iyo tobban hindi ah waxaana xeriir lala sameeyay isgaarsiin ay la leeyihiin shaqaalaha markabka,ciidamada bada hindiya ay sheegeen in la afduubtay fiidnimadii qamiista waxaana dusha sare ka ilaalinaya diyaarad helikobtar ah oo ay leeyihiin ciidamada badda hindiya. Afduubashada markabkaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo horay kooxaha burcad badeeda soomaalida ay u afduubteen Markab iyo dhawr doonyood oo kaluumayso kuwaas oo lagu haysto meelo katirsan biyaha soomaaliya. Waxaana burcad badeeda ay dalbadeen malaayiin doolar oo madax furasho ah,iyadoo…
Maamulka degmadda doolow ee gobolka Gedo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa ay ka Shireen dhismaha wadada luuq iyo doolow taasi oo dhawaan la bilaabayo. Ka hor shirka maamulka ayaa la shiray masuuliyiin ka socotay kambaniga BILAAL oo dhisaya wadada waxaana ay ka wadahadleen in sida ugu dhaqsiyaha badan dhismaha laamiga ay ka bilaabayaan buundada doolow ilaa laga gaaro degmadda luuq. Waxaa ay maamulka iyo laamaha amaanka ay la wadaageen in dhismo kaste oo soo galo cabirkii iyo jaan-goyntii ay horay u sameeyeen in la burburin doono si loo helo wado ku filan gawaarida iyo shacabka arintaasina waa la,isku…
Taliska ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka (NISA) degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa sameeyeen hawlgal lagu xaqiijinayay amniga degmadda. Waxaa hawlgalkani hogaaminayay taliyaha NISA ee degmadda beledxaawo Cabdirisaaq Maxamuud Nuur Culijoog (sanbuur)waxaana hawlgalka laga sameeyay wadooyinka soo galo xaafadaha ay ka kooban tahay degmadda.
Maamulka shabakada warkanews.com,shaqaalaha iyo aqristayaasha Warkanews waxaa ay tacsi tiiraanyo leh hawada u marinayaan ehelka iyo qaraabada uu ka geeriyooday Allaha unaxariistee marxuum maxamed xaaji yuusuf oo caawa ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho. Sheekha ayaa waxaa uu caan uu ku ahaa fidinta Diinta islaamka,waxaana eebbe uga baryaynaa in marxuumka janadii fardowso ka waraabiyo,ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Kusimaha ahna madaxwayne ku xigeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan oo uu wehlinayo wasiirka caafimaadka ee jubbaland ayaa maanta u daah furay baarnaamijka marwo caafimaad in kabadan 101 dumar ah kaasi oo socon doono muddo 45 cisho ah. Munaasabada daahfurka tababarkani oo ay soo qaban qaabisay wasaarada caafimaadka maamulka jubbaland ayaa lagu qabtay magaaladda Kismaayo waxaana kasoo qayb galay wasiiro katirsan maamulka jubbaland,wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka,agaasime waaxeedyada wasaaradda,isku duwaha Barnaamijka marwo caafimaad iyo sidoo kale hawl wadeenada tababarka ka faa,iidaysanayo.
Ciidanka hay,adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka(NISA) ayaa gacanta ku dhigay 3 kamid ah shaqsiyaad dhawaan tagay deegaanada ay joogaan maleeshiyaadka alshabaab. Shaqsiyaadkan ayaa kasoo muuqday muuqaalo ay horay u baahisay kooxda iyaga oo sheegaya in ay ku biireen kooxda waxaana markii danbe u suurta gashay in NISA gacanta kusoo dhigaan ragaan. Warbaahinta dowladda oo baahisay muuqaal ayay kasoo muuqdeen sedexdaan nin iyaga oo sheegaya in markii hore dowladda ay magaalada muqdisho uga qaaday in ay ka qayb noqdaan ciidamada macaawiislayda.
Wararka laga helayo magaalada garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan kana tirsan madaxtooyada isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha madaxtooyadda. Wadadan ay xirteen ciidanka ayaa muhiim ah waxaana ku yaalo xarumo dowladeed iyo hoteelo waa wayn. Ciidamadaan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa u diiday gaadiidka shacabka iyo kuwa maamulka in ay isticmaalaan wadadan waxayna sheegeen in mudo dhawr bil ah aysan qaadan wax mishear ah. Madaxwaynaha maamulka Puntland siciid deni ayay ku eedeeyeen in mushaarkooda u isticmaalay ololaha doorashada waxaana ay sheegeen in aysan arintaas u dul qaadanaynin. Waxaa dhacdadaan ku baxay saraakiil katirsan…
Ciidanka hay,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka (NISA) ayaa degmadda afgooye ee gobolka shabeelaha hoose waxay ku qabteen gaadiid ay ku rarnaayeen qalab Elektaroonig ah iyo shaqsiyaad la socday. Agabkaan la qabtay ayaa isugu jiro laabtoobyo,soolaro,budada laga sameeyo walxaha qarxo iyo agabyo kale oo badan oo ciidamadu isticmaalaan waxaana ay ku rarnaayeen gawaarida nooca loo yaqaano hoomeey. Dadkaan la qabtay ayaa waxay ksuii jeedeen degaanada ay maamulaan maleeshiyaadka Alshabaab waxaana warbaahinta dowladda ay baahisay in ciidamada NISA qabteen 3 gaari kuwaas oo ay ku rarnaayeen qalab electronic ah iyo 8 qof oo uu ku jiro nin ajnabi ah kaasi oo…