Kooxda xuutiyiinta dalka yemen ayaa sheegay inay qasaare gaarsiiyeen markab nooca diyaaradaha xambaara ah kaasi oo laga leeyahay wadanka maraynkanka.
Markabkaan oo magaciisu ku sheegeen Eisenhower ayay xuutiyiinta sheegeen inay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la beegsadeen xili uu ku sugnaa waqooyiga badda cas ,sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas.
Majirto dhinaca maraykanka warbixin kasoo baxday,xili warbaahinta maraykanka ay sheegtay markabka ee Eisenhower in uu u dhaqaaqay dhinaca xeebaha lubnaan si uu u taageero howlgalka israa,iil.
Kooxda xuutiyiinta ee dalka yemen oo taageeraya xooggaga xamaas ee ka dagaalama QASA ayaa maraakiibta maraykanka iyo kuwa israa,iil ka mamnuucay badda cas,waxayna ilaa hadda dejiyeen afar markab,halka kuwo kale ay qasaare gaarsiiyeen.