Wasiirka wasaarada deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda federaalka soomaaliya amb. Khadiija almakhzoumi ayaa heshiis la saxiixatay hay,adda global center for climate mobility.
Heshiiskaan ayaa ah talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo soomaaliya ku habboon
Iskaashigaan cusub wuxuu si gaar ah diirada u saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka,iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatijiyada la qabsiga isbedelka cimilada ee dalka.
Ujeedada heshiiska ayaa ah in la maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka tarjumaya baahiyaha dadka isla markaana lagu xoojinayp maamulka maxaligga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.