Xaalada degmadda baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ah mid degan waxaana saacadihii lasoo dhaafay aad looga hadal hayay ciidamo la sheegay in dowladda federaalka soomaaliya gaynayso degmadaas,si ay danaheeda siyaasadeed ugu fushato isla markaana ay maamulka degmadaasi ka fara maroojiso maamulka jubbaland.
Ilo kala duwan ayaa inoo xaqiijiyay in ay dhowr caqabad soo wajahday isku daygii la doonayau in ciidamo tiro badan lagu keeno magaaladda baardheere.
Maamulka degmadda,odoyaasha dhaqanka,ururada haweenka iyo dhalinyarada iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa si wadajir ah u diiday damaca madaxda dowladda dhexe iyo keenista ciidamo dano siyaasadeed laga leeyahay.
Saraakiisha ciidamada kala duwan ee deegaanka oo iyaguna ka hor yimid.
Ciidanka itoobiya oo iyaguna garab istaagau rabitaanka shacabka magaaladda baardheere iyo ciidankooda intuba.
Mareeyaha garoonka degmadda baardheere oo ciidamo wato ayaa madaxda dowladda dhexe iyo shirkadaha diyaaradaha uga digay inaysan isku soo aadin garoonka magaaladaasi.
Shirkadaha diyaaradaha oo si cad u diiday inay daabulaan ciidan dano siyaasadeed laga leeyahay iyagoo tusaale usoo qaatay dhacdadii iyo dhibaatooyinkii kasoo gaaray magaaladda raaskambooni ee Gobolka Jubadda hoose.
Ugu dambayn xaalada guud ee magaaladda baardheere ayaa hada ah mid degan waxaana laga warsugayaa talaabooyinka ay qaadi doonaan madaxda dowladda federaalka soomaaliya iyo halka ay u jihaysan doonto siyaasada cakiran ee u dhaxayso dowladda dhexe iyo maamulka jubbaland.