Muddo bil ku dhow waxaa xiran garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee Gobolka Gedo oo ah ilaha muhiimka ah oo ay ku tiirsanyihiin dadwaynaha gobolka gedo ayaa xayiraad culus la saaray taasi oo si wayn u saamaysay noolasha dadka deegaanka.
Xayiraada oo ka dhalatay qilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka soomaaliya iyo maamulka jubbaland ayaa horseeday hakad ku yimid adeegyada aasaasiga ah ee dadka muhiimka u ah,saamaynta xayiraada waxaa kamid ah:-
1.Gargaarka bani,aadanimada
Xayiraada ayaa sababtay in gargaarkii bani,aadanimada oo ay ku tiirsanaayeen dadka dhibaataysan ee gobolka uu istaago.
Kaalmooyinka raashinka,daawooyinka iyo agab kale ee muhiimka ah ayaan gaari karin dadka u baahan.
2.Safarada caafimaadka
Dadka u baahan in ay u safraan goobaha caafimaadka ee dibadda si ay u helaan daawayn ama daryeel caafimaad oo ka baxsan gobolka ayaa ku dhibtooday inay helaan adeegyadaas.
Dad badan oo bukaan ah ayaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah kala kulmay arrintaan.
3.Isku socodka bulshada
Isku socodkii dadka iyo ganacsiga ayaa si wayn u hakaday taas oo sababtay in dhaqaalaha iyo noolasha bulshada ee Gobolka ay hoos u dhacaan.
Qilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka soomaaliya iyo jubbaland ayaa horseeday in adeegyada bulshada laga hormariyo danaha siyaasadda,taas oo sababtay in DFS ku guuldaraysato inay ilaaliso xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Dhibaatooyinka ka dhashay xayiraadan ayaa ah tusaale cad oo muujinaya in siyaasada loo adeegsaday sidii hub taas oo saamayn xun ku yeelatay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Dowladda federaalka soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan ku guulaysan in ay u adeegto shacabka iyadoo door biday inay siyaasadeeda ka hormariso danta guud,taasi oo ah mid aan la aqbali karin marka la eego saamaynta ay leedahay arrintan oo kale.