Labbo askari ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay degmadda b/xaawo ee gobolka gedo waxaana ku dhaawacmay gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee degmadda cabdfitaax nuur mataan,gudoomiye kuxigeenka labaad ahna kuxigeenka madaxa maaliyada degmadaas cabdulaahi cabdi aadan iyo askar istaaf u ahayd oo la socotay.
Sida ay warkanews.com u xaqiijiyeen goobjoogeyaal kusugan degmadda b/xaawo qaraxa ayaa ka dhacay wadada u dhaxaysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada.
Dhanka kale xalay dablay hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa weerar ku qaaday ciidamo sugayay amaanka garoonka diyaaradaha degmadda b/xaawo oo toddobaad ka hor la dhagax dhigay,dhismihiisana uu socdo.
Saraakiil ciidan oo aan la xeriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in ay iska difaaceen kooxihii weerarka soo qaaday kuwaas oo ay inay ka tirsanyihiin maleeshiyada kooxda alshabaab,qasaaro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen isla markaana dhankoodana uu ka dhaawacmay hal askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka soomaaliya.
Qadka isgaarsiinta oo saacado ka jarnaa degmadda b/xaawo ayaa goordhaw dib loo soo fasaxay waxaana guud ahaan xaalada magaakada ay tahay mid degan.