Xaaladda deegaanka raaskambooni ee Gobolka jubadda hoose oo shalay dagaalo culus ay ka dhaceen ayaa maanta degan waxaana deegaankaas si buuxda gacanta ugu haya ciidamadda daraawiishta ee maamulka jubbaland,halka ciidankii dowladda ee halkaasi joogay ay noqdeen kuwa la qabtay iyo kuwa xadka Kenya ka gudbay.
Ciidamadda maamulka jubbaland ayaa isku fidiyay guud ahaan deegaanka raaskambooni waxa ayna halkaasi ka wadaan howlgalo balaaran ay amniga ku xaqiijinayaan isla markaana ay ku baadi goobayaan xubno katirsan ciidanka dowladda in ay deegaanka ku harsanyihiin.
Sida ay sheegayaan ila wareedyada qaar ciidamadda jubbaland ayaa la wareegay hub kala duwan iyo saanad ciidan oo ay ka carareen ciidanka dowladda ee shalay ka baxay deegaanka raaskambooni,waxaana sidoo kale ciidamadda xarumo ka dhigteen saldhigyadii ay ka baxeen ciidanka dowladda.
Ciidamadda daraawiishta jubbaland ayaa sidoo akle gacanta ku dhigay ciidamo badan oo katirsanaa kuwa dowladda gaysay deegaanka raaskambooni waxaa ayna ciidamadda ka dhigeen hubka ay wateen iyaga oo geeyay goob gaar ah oo ay amnigooda ku xaqiijinayaan.
Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka raaskambooni ayaa lagu jabiyay ciidankii dowladda diyaaradaha ku gaysay degaanka raaskambooni waxaa ayna ciidamadda noqdeen kuwa la qabtay,kuwa dhintay kuwa firxad ku galay xadka kenya oo hubka laga dhigay.