Dowladda dhexe ee federaalka soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyihii ururka 162 aad ee ciidanka kumaandooska Danab ee magaaladda kismaayo,gaashaanle carab dheeg axmed waxaana lagu badalay cariif hire oo kamid ah saraakiisha ururka 162 aad ee danab.
Xil ka qaadista taliye carab dheeg ayaa imaanaysa xili uu shaley uu ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee ka jira raaskambooni ee gobolka jubbada hoose iyo xuquuq la,aanta haysata isaga iyo saraakiisha kale ee lamidka ah.
Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya xili qilaaf xooggan uu ka dhex aloosan yahay dowladda soomaaliya iyo maamulka jubbaland ee uu hogaamiyo axmed madoobe kaasoo marba marka kasii dambaysa cirka isku sii shareeraya
Ciidanka danab ayaa waxaa si qaas ah u tababara gacantana ugu haya dowladda maraykanka balse nidaam ahaan waxay hoostagaan taliska gaashaandiga dowladda dhexe ee federaalka.