Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guulaystay inuu burburiyo shabakado maaliyadeed oo uu sheegay in maleeshiyada Alshabaab lacago loogu shubi jiray.
Sidoo kale,xafiisku waxaa uu xaqiijiyay in ka badan hal milyan oo doolar oo laga helay koontooyinka maaliyadeed oo ay adeegsan jiren kooxda alshabaab in si sharci ah loogu wareejiyay dowladda soomaaliyadeed,kadib markii maxkamaddu soo saartay uxkun kama dambays ah.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa xayiray,baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag malaayiin doolar ah ku kaydsan tahay,kuwaas oo looga shakisanyahay in alshabaab u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha.
“Koontooyinkan ayaa marka baaristoodu soo dhamaato,natiijada waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda,xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa uu bogaadinayaa shacabka soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta.
Hoos ka aqriso qoraalka xeer ilaalinta