Diyaarado dagaal ayaa xalay duqaymo culus ka fuliyay duleedka degmadda Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe.
Duqaymaha ayaa la sheegay in lala beegsaday goobo la sheegay inay kusugnaayeem maleeshiyada kooxda Alshabaab.
Duqaynta oo ahayd mid sax ah ayaa waxaa ay ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanka xawaadleey iyo degmadda Balcad oo dhawaan alshabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda soomaaliya.
Weerarkan ayaa gaystay qasaare kala duwan sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow dhow.
Wararka ayaa sheegaya in duqaymahaan lagu burburiyay saldhiyo dhowr ah oo kooxda alshabaab ay la haayeen iyo xarumo kale oo muhiim ah,waxaana la sheegay in qasaare xooggan uu gaaray.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogayn tirade rasmiga ah ayaa haddana waxaa la xaqijiyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray maleeshiyada.
Dowladda federaalka soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin howlgalka lala beegsadaya maleeshiyada alshabaab iyo qasaaraha ka dhashay.
Deegaanka xawaadleey oo ay horay uga baxeen ciidamadda ATMIS ayaa maalmihii lasoo dhaafay la kulmayay cadaadis xooggan oo kaga imaanayay dhanka maleeshiyada alshabaab sida ay sheegayaan wararka,iyadoo maleeshiyaadkaasi ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen fariisimaha ciidanka dowladda.
Deegaanka ayaa weli kascsan waxaana lasoo sheegayaa in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda laga dareemayo nawaaxiga degmadda Balcad.