Wafti ka kooban wasiiro katirsan maamulka jubbaland ayaa goordhaw gaaray deegaanka buulo xaaji ee gobolka jubadda hoose halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadda maamulka jubbaland.
Ujeedka socdaalka waftiga wasiirada ah ayaa waxaa yahay u kuurgelida iyo dhiirogelinta ciidamadda jiida hore jooga ee dagaalka kula jira maleeshiyada kooxda Alshabaab.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda hidaha iyo tacliinta sare ee maamulka jubbaland seeraar maax cabdi oo ay wehliyaan wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa jubbaland iyo kusimaha ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka jubbaland ayaa saraakiisha kula dardaarmay ilaalinta amniga bulashadda.