Wasiirka wasaaradda amniga maamulka jubbaland yuusuf xuseen cismaan dhuumaal oo shalay subax soo gaaray degmadda b/xaawo ayaa maanta kulan la yeeshay golaha guurtida ee degmaddaas.
Kulanka oo ay soo abaabuleen maamulka degmadda b/xaawo ayaa odoyaasha degmadaas looga hadalsiiyay inay taageeraan maamulka jubbaland isla markaana ay kasoo horjeestaan dowladda federaalka ah ee soomaaliya.