Wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimiladda Jubbaland maxamuud cabdinuur bayxaani ayaa kormeer ku tagay xarinta barbaarinta dhirta ee lugloow kismaayo.
Xaruntan ayaa bilihii udambeeyay waxaa ka socday howl galin waxayna noqon doontaa goob lagu kobciyo dhirta isla markaana looga faa,iidaysto dib u cagaarinta deegaanka.