Wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha ee maamulka jubbaland,maamulka degmadda doolow ee Gobolka Gedo iyo hay,adda UNICEF ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray ceelbiyood cusub oo laga hirgeliyay xerada barakaca ladan ee degmadda doolow ee gobolka gedo.
Mashruucaan muhiimka ah ayaa lagu xalinayaa dhibaatooyinkii iyo biyo yaraanta ee mudada dheer ka jiray barakaca waxaana ceelbiyoodkan loo rakibay nidaam waraabin casri ah oo ku shaqeeya tamarta cadceedda (solar energy).
Mashruucaan ayaa siwayn uga faa,iidaynaya bulshada barakacyaasha iyada oo gacan ka gaysanaya kor u qaadista noloshooda iyo hormarinta adeegyadooda aasaasiga ah.
Munaasabada xarig jarka waxaa kasoo qayb galay wakiilo ka socda wasaarasa tamarta iyo qayraadka biyaha,madaxa arimaha bulshada doolow,madaxa mashaariicda iyo xeriirka hay,adaha doolow iyo masuuliyiin ka socday hay,adda UNICEF.
Ceelbiyoodkan cusub ayaa lagu tilmaamay mid horsed u noqon doona hormar waara iyo badbaadinta bulshada ku nool xerada barakaca ladan.