Agaasimaha guud ee wasaarada howlaha guud,dib u dhiska iyo guryaynta jubbaland cabdishukri carab cumar oo ay wehliyaan injineerada wasaaradda oo maalmihii lasoo dhaafay degmadda baardheere ee Gobolka Gedo u joogay howlo shaqo ayaa kulamo la yeeshay qaar kamid ah hay,adaha UN-ka.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii mashruuca dib u dhiska buundada degmadda baardheere loo hirgelin lahaa.
Wasaarada howlaha guud ee jubbalanad ayaa warbixini iyo talo soo jeedin ka samaysay hanaanka istaraatijiyadeed ee fulinta mashruuca dib u dhiska buundooyinka Gobolka Gedo.