Wasiirka wasaaradda caadaladda iyo arimaha dastuurka maamulka jubbaland cabdiwali xuseen jaamac ayaa maanta magaaladda kismaayo kusoo xirtay tababar kusaabsan wada hadalka aan xanafta lahayn oo loo qabtay qaar kamid ah ururada bulshadda rayidka ah ee degmadda kismaayo iyo bahda cadaaladda jubbaland.
Tababarkan oo socday muddi seddex cisho ah ayaa waxaa ka faa,iidaystay qaybaha kala duwan ee ururada bulshadda rayidka ah ee maamulka jubbaland iyo xubno kasocday bahda cadaaladda jubbaland iyada oo ujeedka tababarka uu ahaa in la baro xirfadaha wadahadalka nabdoon si loo xoojiyo habka ay ugu adeegaan bulshadda.