Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka jubbaland iyo hay,adda garsoorka jubbaland ayaa si wadajir ah usoo qabanqaabiyay kulan aqoon iswaydaarsi ah oo loogu talagalay jilayaasha laamaha cadaaladda ee rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn.
Aqoon iswaydaarsigan waxaa si rasmi ah u furay agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka jubbaland cabdulaahi aadan qaanuuni iyo xoghayaha guud ee hay,adda garsoorka jubbaland cabdi cabdulaahi raabi.
Waxaana aqoon iswaydaarsigan kasoo qayb galay xubno ka kala socday laamaha bahda cadaaladda jubbaland.
Ujeedada kulankan ayaa ah in sare loo qaado xirfadaha iyo aqoonta laamaha kala duwan ee cadaaladda si ay u yeeshaan awood ay ku xaqiijiyaan cadaaladda,waxaana kale oo looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta u dhaxaysa laamaha cadaaladda rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn.