Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadda jubbaland Abshir maxamed cabdi ayaa maanta daahfuray wareega 3 aad ololaha talaalka carruurtii aan horay loo talaalin iyo kuwa aan helin dhamaystirka talaalka joogtada ah sanadihii lasoo dhaafay.
Ololahaan talaalka ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadista tirade caruurta ka ayar shanta sano ee loo dhamaystiray talaalka joogtada ah ee lagaga hortagayo xanuunada ku dhaca caruurta.
Waxaa ololahaan ka qayb galay howlwadeenada wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka jubbaland.