Wafti balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka amniga dowladda federaalka soomaaliya cabdulaahi shiiq ismaaciil fartaag ayaa lagu soo dhaweeyay degmadda baardheere ee Gobolka Gedo.
Waftigan ayaa waxaa ay kasoo kicitameen degmadda garbohaareey oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay howlo shaqo u joogeen waxaana garoonka degmadda baardheere kusoo dhaweeyay maamulka degmadda baardheere,ururada bulshada,saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan iyo marti sharaf kale.