Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa daahfuray tababar ku saabsan wacyigelinta bulshadda ee doorka haweenka ee siyaasadda iyo go,aanqaadashada .
Tababarkani oo loo qabtay golaha guurtida ee degmadda b/xaawo ayaa waxaa garwadeen ka ahaa hay,adda SSWC oo kamid ah hay,adaha maxaliga ah ee ka howlgala degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo.
Gudoomiyaha degmadda beledxaawo oo madasha daahfurka hadal ka jeediyay ayaa amaanay doorka odoyaasha dhaqanka ee ilaalinta nabadda iyo xasiloonida dalka isagoona kula dardaarmay inay sii joogteeyaan dedaalkooda.