Booliska degmadda doolow ee Gobolka Gedo ayaa maanta soo bandhigay rag tuugo ah oo ku eedaysan dhaca hanti isugu jirto lacago,raashin iyo xoolo nool.
Ragaan ayaa qaarkood jabsan jiray guryaha la deganyahay iyo baqaarada ganacsiga waxayna in muddo ah ku xiranyihiin degmadaas mana jirto waalid ama cid kale oo ka daba timid intii ay xirnaayeen si looga qaado hantida loo haysto.
Booliska ayaa sheegay in raggaan ay kayimaadeen intooda badan gobolada dalka iyo kuwa kasoo gudbay xuduudaha ciddii garanaysana ay warkooda gaarsiiyaan eheladooda si ay ugu yimadaan islamarkaana looga qaado hanti kala duwan oo loo haysto.