Wasiirka wasaaradda haweenka arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka maamulka jubbaland cadar cabdulaahi juuraati ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu qabtay xarunta hormarinta haweenka ee degmadda kismaayo halkaas oo lagu soo bandhigay koox haween ah oo baratay farshaxanka iyo qurxinta guryaha.
Bandhigan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay agaasimaha waaxda jinsiga iyo gudoomiyeyaasha qaar kamid ah ururada haweenka.