Maxkamada madaniga ah ee shareecada islaamka ee degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo gabagabaysay kiis dil ah oo loo haystay idiris xasan nuur kaas oo lagu tuhmayay in uu dilay allaha unaxariistee marxuum bileey huufood ibraahim.
Eedaysane idiris xasan nuur ayaa eeda loo jeediyay waxaa uu iskaga bari yeelay in uu maray dhaar (qasam) tuhunsane dil ah oo xoogaysan (50 dhaar mayd).
Dhaarta maxkamada ayaa waxaa goobjoog ahaa ehelada dhibanaha iyo eedaysanaha,maamulka degmaddaasi b/xaawo,odoyaasha dhaqanka degmadaas iyo masuuliyiin kale.
Ehelka dhibanaha ayaa ku qancay dhaarta tuhunsanaha waxaa ayna cadeeyeen in hadda waxa ka dambeeyo aysan waxbo u qabin idiris xasan nuur oo ay ku tuhmayeen dilka marxuum bileey huufood ibraahim isla markaana ay kaga qanceen dhaarta kitaanka ah ee uu maray.