Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa kulan la qaatay guddiga abaabulka iyo isku dubarida qaybaha kala duwan ee ciidanka jubbaland ee kusugan gobolka gedo.
Kulanka oo ay ka qayb galeen wasiirka amniga jubbaland,maamulka gobolka gedo iyo taliyeyaasha ciidamada jubbaland ayaa guddiga looga dhagaystay warbixinta waxa u qabsoomay iyo diiwaangelinta ciidanka daraawiishta jubbaland ee Gobolka Gedo.