Madaxwaye kuxigeenka koowaad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa kulan la qaatay guddiga nabadaynta shaqaaqada kasoo cusboonaatay degmadda luuq ee Gobolka Gedo.
Guddigaan oo ka kooban xubni kamid ah golaha wasiirada maamulka jubbaland iyo mudanayaal katirsan golaha wakiiladda ayaa ka shaqayn doona sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqada soo noqnoqotay ee ka taagan magaaladda luuq ee Gobolka Gedo.