Madaxwaynke kuxigeenka 1aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan oo uu wehlinayo wasiirka arimaha gudaha ee jubbaland ayaa kulan la yeeshay madax ka socotay xafiiska hay,adda Qaramada midoobay ee soomaaliya (UNSOM).
Waxaa kulanka looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa nabadda iyo wax u qabashada dadka ku barakacay dagaaladii degmadda luuq ee Gobolka Gedo dhawaan ka dhacay iyo sidoo loo dardargalin lahaa wadashaqaynta howlaha shaqo ee maamulka jubbaland.
Ugu dambayn waftiga ka socday xafiiska qaramada midoobay ee soomaaliya ayaa balan qaaday inay si degdeg ah ku gaari doonaan degmadda luuq iyo deeganadii lagu barakacay.