Masuuliyiinta maamulka degmadda baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxay kormeer shaqo ay ku tageen isbitaalka degmadda baardheere oo adeegyo caafimaad ay usoo doontaan maalin iyo habeen boqolaal bukaano ah oo ka kala imaanaya degmadda baardheere iyo deegaano kale oo katirsan goboladda jubbada dhexe iyo baay.
Xubnaha maamulka degmadda ayaa waxaa isbitaalka kusoo dhaweeyay isla markaana ay warbixin kaga dhagaysteen agaasimaha caafimaadka degmaddaas Dr maxamed aaden dhaqane,maamulaha isbitaalka Dr axmed maxamed iyo cabdiraxmaan aadan Ethiopia oo kamid ah masuuliyiinta HDC,waxayna sheegeen in isbitaalka uu u baahanyahay in laga saacido adeegyada caafimaad ee aas aasiga u ah bulshada.
Ismaaciil cabdi qorax oo ah gudoomiyaha degmadda baardheere,faarax cabdi nuur turbac oo ah gudoomiye kuxigeenka maamulka degmadda baardheere,caagane ilyaas oo ah madaxa arimaha bulshada degmadda,nuur shigshigow oo ah madaxa maaliyada degmadda iyo ibraahim cabdikariim kunna oo ah xoghayaha guddiga dib u dejinta iyo barakacyaasha degmadda baardheere.
Masuuliyiintan oo ka hadlay kormeerka shaqo ee ay ku yimaadeenisbitaalka ayaa waxay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan baahiyaha aas aasiga ee ka jira isbitaalka,waxayna sidoo kale la kulmeen howl wadeenada HDC iyo HIRDA oo ay ku amaaneen adeegyada caafimaad ee ay u hayaan bulshada deegaanka.
Gebagebadii kormeerka masuuliyiinta maamulka degmadda ayaa waxay soo saareen codsi baaq ah oo ay u jeediyeen dowladda federaalka soomaaliya iyo hay,adaha samafalka caalamiga in ay gacan ku gaysteen baahiyaha ka jira isbitaalka xagga qalabka iyo dowladda.