Wasaaradda haweenka,arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka maamulka jubbaland ayaa maanta magaaladda kismaayo ku qabatay xuska maalinta caalamiga ah ee dadka naafadda oo maanta oo kale laga xuso caalamka.
Xuska munaasabadaan waxaa kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda haweenka,arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka jubbaland cadar ismaaciil cabdulaahi juuraati,xildhibaano,gudoomiyeyaasha ururada naafadda,qaybaha kala duwan ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo marti Sharaf kale oo xuska maalintaan caalamiga ah lagu casuumay.